Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni iyo wafdi uu hor kacayo ayaa maanta gaaray Magaalada Qardho ee gobolka Karkaar , iyadoo halkaas lagu soo dhaweeyay.
Madaxweyne Deni ayaa waxaa Safarkiisa ku wehlinaayay Wasiiro ka tirsan Xukuumadiisa iyo Mas’uuliyiin kale, isla markaana waxaa Magaalada markii uu gaaray kusoo dhaweeyay Maamulka Gobolka Bari.
Ujeedka Safarka Madaxweynaha Puntland ee halkaas ayaa waxa uu yahay sidii uu tababar ugu soo xiri lahaa Ciidamo ka tirsan Daraawiishta Puntland oo Tababar mudooyinkii dambe ugu socday Qardho iyo Badhan.





From the comments