Kulamada Lagu Raadinayo Xilka Ra’iisulwasaaraha Dalka Oo Meel Adag Maraya
Muqdisho waxa ka soconaya kulamo gooni gooni ah oo loogu xusul duubayo Xilka Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya markii meesha uu ka baxay Ra’iisulwasarihii hore Xasan Cali Khayre.
Kulamadan ayaa ah kuwo xiligan meel adag oo xasaasi ah maraya waxana Hotelada iyo guryaha ay degan yihiin siyaasiintu si is-daba jooga ah uga dhacaya shirarka looga hadlayo xilka Ra’iisulwasaarnimo.
Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor oo maalmo ka hor soo gaaray magaaalada Muqdisho , Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare Duqa Muqdisho Cumar Filish ayaa ka mid ah madaxda kulamada qaarkood ka socda Muqdisho kaalin wayn ku leh.
Xalay Magaalada Muqdisho waxa ka dhacay kulan Duqa Muqdisho uu la qaatay , beelaha dega gobolka Banaadir si ay isugu raacaan shaqsi ay isku raacsan yihiin , waxa sidoo kale isla Muqdisho ka qabsoomay kulan kale oo Madaxwaynaha Galmudug uu la qaatay siyaasiinta Galmudug kaas oo looga hadlayay xilka Ra’iisulwasaarnimo oo loolanka loogu jiro aad u adag.
Si kastaba kulamadan ayaa la ogayn ilaa iyo hadda natiijada ka soo bixi doona kulamada ka socda magaalada Muqdisho ee lagu doonayo xilka Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya
Goobjoog News