Ciidanka Yemen oo Sheegay in 87 Xubnood oo Xuutiyiinta ka Tirsan lagu Dilay Hawlgallo Militari

Ciidanka Yemen oo Sheegay in 87 Xubnood oo Xuutiyiinta ka Tirsan lagu Dilay Hawlgallo Militari

Ciidanka dowladda Yemen ayaa sheegay in ugu yaraan 87 xubnood oo ka tirsan kooxda Xuutiyiinta lagu dilay ama lagu dhaawacay hawlgallo militari oo ay ciidamadu ka fuliyeen dhowr jiho oo ka mid ah furimaha dagaalka dalkaas.

Afhayeenka ciidamada Yemen, Majid Al-Nuzaili, oo warbaahinta la hadlay Sabtidii, ayaa sheegay in ciidamada dowladda ay fuliyeen 779 hawlgal militari saacadihii ka horreeyay bayaanka, kuwaas oo lagu beegsaday saldhigyo, goobaha ay ku sugnaayeen dagaalyahannada Xuutiyiinta iyo bartilmaameedyo kale oo militari.

Al-Nuzaili ayaa xusay in hawlgalladaasi ay qeyb ka ahaayeen dadaallada ciidamada dowladda ay ku doonayaan inay ku wiiqaan awoodda militari ee Xuutiyiinta, isla markaana ay waxyeello ugu geystaan awooddooda dagaal ee ku sugan jiidaha kala duwan.

Sidoo kale, afhayeenka ayaa sheegay in 63 gaari oo militari iyo qalab kale oo loo adeegsanayay hawlgallada dagaalka la burburiyay ama waxyeello soo gaartay, wuxuuna tilmaamay in khasaarahaasi uu qeyb ka yahay natiijooyinka ay ciidamada dowladda ka sheegteen howlgalladii ugu dambeeyay.

Hawlgalladan ayaa imaanaya iyadoo dagaalka u dhexeeya ciidamada dowladda Yemen iyo kooxda Xuutiyiinta uu muddo dheer ka socday dalkaas, kaas oo sababay khasaare naf iyo maalba leh, sidoo kalena sii adkeeyay xaaladda amni iyo tan bani’aadannimo ee Yemen.

Dowladda Yemen ayaa marar kala duwan sheegtay inay sii wadi doonto hawlgallada ka dhanka ah Xuutiyiinta, iyadoo dooneysa inay dib u soo celiso gacan ku haynta deegaannada ay kooxdaasi maamusho.

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments