Ugu yaraan 31 qof ayaa ku dhintay, halka 21 kale ay ku dhaawacmeen dab xooggan oo ka kacay booyad shidaal sidday, taas oo ku rogmatay waddada wareegga ee magaalada Qaahira, gaar ahaan degmada Al-Warraq ee gobolka Giza.
Shilkan ayaa dhacay fiidnimadii Arbacada, kaddib markii booyaddu ay ka baxday waddada, kuna dhacday darbiga shubka ah ee waddada kala qaybiya, taasoo dhalisay in shidaalkii ay siday uu daato dabna qabsado.
Dabka ayaa si degdeg ah ugu fiday gaadiidkii kale ee waddada marayay, waxaana jira dad ku dhex go’doonsanaa gawaaridooda markii uu dabku qarxay.
Xafiiska Xeer-ilaalinta Guud ee Masar ayaa sheegay in ugu yaraan 27 gaari iyo mootooyin ay ku basbeeleen dabka. Dhanka kale, Wasaaradda Caafimaadka ayaa goobta shilka u dirtay 39 ambalaas, iyadoo isbitaallada ku dhow halka uu shilku ka dhacay la geliyay xaalad heegan ah si ay ula tacaalaan dadka dhaawacmay.
Qaar ka mid ah meydadka dadka dhintay ayaa si daran ugu gubtay dabka, taasoo adkeysay in si fudud loo aqoonsado, ayadoo xeer-ilaalinta ay amartay in baaritaanno DNA ah lagu sameeyo meydadka si loo xaqiijiyo aqoonsiga dadka dhintay, loona gaarsiiyo qoysaskooda.
Madaxweynaha Masar, Cabdifataax Al-Sisi, ayaa tacsi u diray ehelada dadkii ku dhintay musiibada, isagoo hay’adaha dowladda faray inay dhaawacyada siiyaan daryeel caafimaad oo dhammaystiran, isla markaana taageero la gaarsiiyaan qoysaska ay musiibadu saameysay.
Dhanka kale, Xeer-ilaalinta Guud ayaa furtay baaritaan dembiyeed iyo mid farsamo oo lagu ogaanayo sababihii keenay in booyaddu rogmatay, xaaladdeeda farsamo iyo haddii ay jirto dayacaad keentay masiibadan.
Maamulka Masar ayaa sheegay in tirada khasaaraha ay weli tahay mid hordhac ah, maadaama qaar ka mid ah dadka dhaawacmay ay ku jiraan xaalado caafimaad oo culus.
Shilkan ayaa mar kale dhaliyay su’aalo la xiriira badbaadada waddooyinka Masar, oo sannadihii ugu dambeeyay sameysay ballaarin ballaaran oo kaabayaasheeda gaadiidka ah, oo ay ku jiraan waddooyin iyo buundooyin cusub.
Si kastaba ha ahaatee, xawaaraha sare, gaadiidka culus, dayactir la’aanta iyo fulinta aan adkeyn ee shuruucda waddooyinka ayaa weli ka mid ah arrimaha walaaca laga qabo ee sababa shilalka gaadiidka ee khasaaraha badan dhaliya.
From the comments