Dowladda Suudaan oo si Adag u Diidday Hindisaha Itoobiya ee Wada-hadalka Dhinacyada Suudaan

Dowladda Suudaan ayaa si rasmi ah u shaacisay inay si buuxda u diiddan tahay hindise uu dhowaan soo bandhigay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, kaas oo ku saabsanaa in dhinacyada isku haya Suudaan ay wada-hadal loo dhan yahay ku yeeshaan gudaha Itoobiya.

Dowladda Suudaan oo si Adag u Diidday Hindisaha Itoobiya ee Wada-hadalka Dhinacyada Suudaan

Dowladda Suudaan ayaa si rasmi ah u shaacisay inay si buuxda u diiddan tahay hindise uu dhowaan soo bandhigay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, kaas oo ku saabsanaa in dhinacyada isku haya Suudaan ay wada-hadal loo dhan yahay ku yeeshaan gudaha Itoobiya.

Bayaan ay baahisay Wakaaladda Wararka Suudaan (SUNA) ayay dowladda ku sheegtay inaysan Itoobiya u arag dal buuxin kara shuruudaha dhexdhexaadnimo ee looga baahan yahay martigelinta wada-hadalka, iyadoo ku eedeysay dowladda Addis Ababa inay taageerto maleeshiyaadka Gurmadka Degdegga ah ee RSF, isla markaana dhulkeeda laga soo duuliyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee lagu beegsado gudaha Suudaan.

Dowladda Suudaan ayaa ku adkaysatay in dhexdhexaadnimada dalka martigelinaya iyo ixtiraamka madax-bannaanida Suudaan ay yihiin shuruudo aasaasi ah oo aan laga tanaasuli karin, si dal kasta uu door uga qaato dadaallada lagu xallinayo colaadda dalkaas.

Waxay sidoo kale ku baaqday in baaritaan madax-bannaan lagu sameeyo eedeymaha la xiriira taageerada Itoobiya ee RSF iyo weerarrada diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, si loo xaqiijiyo dhacdooyinka loona caddeeyo cidda mas’uuliyadda iska leh.

Dowladdu waxay sheegtay inay xaq u leedahay inay qaaddo tallaabooyinka lagama maarmaanka ah ee diblomaasiyadeed iyo kuwa sharci, si ay u ilaaliso madax-bannaanideeda iyo midnimada dhuleed ee dalka.

Dhanka kale, dowladda Suudaan ayaa Midowga Afrika iyo dhinacyada kale ee gobolka iyo caalamka ugu baaqday inay ixtiraamaan mowqifkeeda, isla markaana Itoobiya laga saaro qorshe kasta oo la xiriira martigelinta ama fududeynta wada-hadalka dhinacyada Suudaan.

Si kastaba ha ahaatee, dowladda Suudaan ayaa sheegtay inay weli ka go’an tahay ilaalinta xiriirka labada shacab ee Suudaan iyo Itoobiya, iyadoo ku saleyneysa is-ixtiraamka madax-bannaanida labada dal.

Suudaan waxay ugu dambeyn carrabka ku adkaysay in go’aaminta goobta wada-hadalka, waqtiga la qabanayo iyo cidda fududeynaysa ay tahay arrin ay xaq u leeyihiin shacabka Suudaan, iyadoo sheegtay in madax-bannaanida dalka iyo go’aannada qarankiisa aanay gorgortan geli karin.

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments