Qaramada Midoobay oo Dalalka Caalamka ugu Baaqday Xakameynta AI

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, António Guterres, ayaa dalalka caalamka ugu baaqay inay muddo hal sano ah ku gaaraan heshiis mideysan oo lagu kormeerayo laguna maareynayo khataraha ka dhalan kara sirdoonka macmalka ah (AI).

Qaramada Midoobay oo Dalalka Caalamka ugu Baaqday Xakameynta AI

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, António Guterres, ayaa dalalka caalamka ugu baaqay inay muddo hal sano ah ku gaaraan heshiis mideysan oo lagu kormeerayo laguna maareynayo khataraha ka dhalan kara sirdoonka macmalka ah (AI).

Guterres ayaa baaqan ka jeediyay shir looga hadlayay badbaadada sirdoonka macmalka ah oo ka dhacay magaalada Bridgetown ee dalka Barbados. Wuxuu sheegay in loo baahan yahay hannaan caalami ah oo ay waddamadu si wadajir ah u dejiyaan, kaas oo leh mabaadi’ cad iyo kormeer madax-bannaan oo lagu kalsoonaan karo.

Wuxuu carrabka ku adkeeyay in horumarka degdegga ah ee AI uu u baahan yahay nidaam lagu hubinayo badbaadada, isla markaana bani’aadamku sii haysto awoodda uu ku maamulo tiknoolajiyadda iyo saameynta ay ku leedahay nolosha bulshada.

Xoghayaha Guud ayaa sidoo kale sheegay in hay’adaha caalamiga ah ee hadda jira ay weli ku dhisan yihiin nidaamkii dunida ee 1945-kii, taas oo uu ku tilmaamay mid aan si buuxda uga tarjumayn xaaladaha iyo awood-qaybsiga dunida maanta.

Baaqa Guterres ayaa imanaya xilli Maraykanka iyo Shiinuhu ay ku jiraan tartan xooggan oo ku saabsan horumarinta sirdoonka macmalka ah, iyadoo shirkadaha waaweyn ee tiknoolajiyaddu ay ku kala aragti duwan yihiin xawaaraha ay tahay in lagu sii horumariyo.

Madaxda shirkadaha Anthropic, OpenAI iyo SpaceX ayaa muujiyay walaac ku saabsan khataraha ka dhalan kara horumarka aan xadka lahayn ee AI, halka hoggaamiyeyaasha Nvidia iyo Meta ay taageersan yihiin in cilmi-baarista iyo horumarinta tiknoolajiyaddan la dardargeliyo.

Guterres ayaa soo jeediyay in tallaabada ugu horreysa ay noqoto in waddamadu ku heshiiyaan halbeegyo amni oo ay wadaagaan, habraacyo lagu tijaabiyo nidaamyada AI iyo kormeer madax-bannaan oo xaqiijiya in tiknoolajiyaddu buuxiso shuruudaha badbaadada.

Dhanka kale, dowladda Maraykanka ayaan weli muujin qorshe ay si degdeg ah ugu soo rogayso xeerar adag oo lagu maamulo shirkadaha horumariya AI, ayadoo bishii Sebtembar ee sanadkan, Madaxweyne Donald Trump uu kulan la yeeshay madaxda shirkadaha tiknoolajiyadda, kuwaas oo aqbalay hab-dhaqan iskaa wax u qabso ah oo ku saabsan badbaadada AI.

Guterres, oo xilkiisa Xoghayaha Guud ku eg yahay bisha Diseembar, ayaa sheegay inuu qofka beddeli doona kula talin doono in mudnaan gaar ah la siiyo xakamaynta sirdoonka macmalka ah, isagoo ku tilmaamay arrin muhiim u ah mustaqbalka bani’aadamka.

Baaqa Qaramada Midoobay ayaa muujinaya sida ay beesha caalamku ugu sii baraarugeyso khataraha tiknoolajiyadda cusub, iyo baahida loo qabo in la helo heshiisyo caalami ah oo isku dheellitira hal-abuurka, horumarka iyo badbaadada bulshada.

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments