Masar iyo Suudaan ka Wada-Hadlay Amniga Badda Cas

Dowladaha Masar iyo Suudaan ayaa ku heshiiyay inay mudnaanta koowaad siiyaan dib-u-dhiska Suudaan kaddib dagaalka, iyagoo sidoo kale ka horyimid tallaabo kasta oo Badda Cas u beddeli karta goob ay ku loollamaan quwadaha milatariga ee aan xeebaha ku lahayn.

Masar iyo Suudaan ka Wada-Hadlay Amniga Badda Cas

Dowladaha Masar iyo Suudaan ayaa ku heshiiyay inay mudnaanta koowaad siiyaan dib-u-dhiska Suudaan kaddib dagaalka, iyagoo sidoo kale ka horyimid tallaabo kasta oo Badda Cas u beddeli karta goob ay ku loollamaan quwadaha milatariga ee aan xeebaha ku lahayn.

Heshiiskan ayaa lagu shaaciyay bayaan wadajir ah oo ka soo baxay labada dowladood, kaddib booqasho uu Ra’iisul Wasaaraha Suudaan, Kaamil Idriis, ku tegay magaalada Qaahira, halkaas oo uu kula kulmay Madaxweynaha Masar, Cabdifitaax Al-Sisi, iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowladda Masar.

Labada dhinac ayaa bayaankooda ku adkeeyay in maamulka iyo mas’uuliyadda amniga Badda Cas ay gaar u yihiin dowladaha xeebaha ku leh, sida uu dhigayo sharciga caalamiga ah.

Waxay sidoo kale diideen in dalalka aan xeebaha ku lahayn Badda Cas ay helaan marin-badeed ama ay ka sameystaan joogitaan milatari oo wax u dhimaya madax-bannaanida iyo danaha dalalka gobolka.

Arrintan ayaa imaanaysa iyadoo ay gobolka Geeska Afrika ka taagan yihiin dooddo iyo loollan la xiriira helitaanka marin-badeedka iyo saameynta istiraatiijiyadeed ee Badda Cas.

Dhanka kale, Madaxweynaha Masar Cabdifitaax Al-Sisi ayaa faray hay’adaha dowladda inay mudnaan siiyaan fududeynta dib-u-noqoshada ikhtiyaariga ah ee muwaadiniinta Suudaan ee ku sugan Masar, iyo isu-socodka dadka labada dal.

Al-Sisi ayaa sidoo kale ku baaqay in la diyaariyo qorshe dib loogu celinayo maxaabiista u dhalatay Suudaan ee ku xiran xabsiyada Masar, si ay inta ka harsan xukunnadooda ugu dhameystaan dalkooda.

Dib-u-dhiska Suudaan ayaa ahaa qodob kale oo muhiim ah oo ay labada dhinac ka wada hadleen, iyadoo Masar ay muujisay diyaar u ahaanshaheeda inay taageerto dadaallada lagu dayactirayo kaabayaasha dhaqaalaha iyo xarumaha burburay intii uu socday dagaalka.

Labada dowladood ayaa sidoo kale isku raacay xoojinta xiriirka ganacsi, maalgashi iyo iskaashiga dhinacyada caafimaadka, waxbarashada iyo horumarinta dhaqaalaha, iyagoo ballanqaaday inay sii wadi doonaan wadatashiyada iyo xiriirka heerarka kala duwan.

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments