Dowladda Masar ayaa xirtay darawal 21 jir ah oo looga shakisan yahay inuu sabab u ahaa shil gaari oo Arbacadii ka dhacay waddada weyn ee giraanta magaalada Qaahira, kaas oo sababay in booyad shidaal ay rogato, dab xoogganina qabsado, halkaas oo ay ku dhinteen 31 qof, 26 kalena ay ku dhaawacmeen.
Xeer-ilaalinta guud ee Masar ayaa Khamiistii amartay in darawalka la hayo inta baaritaannadu socdaan, iyadoo sidoo kale loo gudbiyay hay’adda caafimaadka dambi-baarista si loo ogaado inuu isticmaalay maandooriye xilligii shilku dhacayay.
Sida ay sheegeen baarayaasha, darawalka ayaa qirtay inuu gaarigiisa ku waday xawaare dhan 110 kiiloomitir saacaddii, xilli isaga iyo aabbihiis ka safrayeen deegaanka Al-Marg kuna sii jeeday Al-Haram.
Wuxuu sheegay inuu isku dayayay inuu ka hor maro gaadiid kale, balse gaarigiisu uu ku dhacay qeybta dambe ee booyadda shidaalka, taas oo keentay inuu lumiyo xakamihii gaariga.
Warbixinta xeer-ilaalinta ayaa intaas ku dartay in mid ka mid ah taayirrada booyadda uu qarxay, kaddibna ay ku dhacday darbiga waddada oo ay rogmatay.
Shidaal ka daatay booyadda ayaa durba dab qabsaday, kaas oo ku faafay gaadiidkii kale ee waddada marayay, waxaana gubtay 27 gaari oo isugu jiray baabuur iyo mootooyin.
Shilku wuxuu dhacay abaare 6:30 fiidnimo xilliga ay waddooyinku aadka u mashquulsanaayeen, gaar ahaan deegaanka Al-Warraq ee gobolka Giza, oo ku yaalla galbeedka magaalada Qaahira.
Wasaaradda Caafimaadka Masar ayaa xaqiijisay in musiibada ay ku dhinteen 31 qof, halka 26 kalena ay dhaawacmeen, Shan ka mid ah dhaawacyada ayaa laga saaray isbitaallada, halka 21 qof ay weli ku jiraan daryeel caafimaad, siddeed ka mid ahna loo wareejiyay isbitaallo kale.
Dhanka kale, kooxaha dambi-baarista ayaa qaaday muunado DNA ah oo laga qaaday ehelada dadka dhintay, si loo xaqiijiyo aqoonsiga meydadka qaarkood oo ay adkaatay in la aqoonsado dabka xooggan awgiis.
Xeer-ilaalinta ayaa sidoo kale sheegtay inay wareysatay dadkii dhaawacmay ee xaaladdooda caafimaad ay saamaxaysay in su’aalo la weydiiyo, iyadoo baaritaanku diiradda saarayo cidda masuuliyadda ka leh shilka.
Musiibadan ayaa dhalisay su’aalo la xiriira sababta booyadda shidaalka ay xilligaas u adeegsanaysay waddada weyn ee giraanta Qaahira, maadaama go’aan dowladeed oo soo baxay sannadkii 2018 uu mamnuucayay in baabuurta xamuulka ah ee qaada wax ka badan afar tan ay waddadaas isticmaalaan inta u dhexeysa 6-da subaxnimo iyo saqda dhexe.
Bilowgii shilka, warbaahinta maxalliga ah ayaa baahisay warar sheegaya in fiilo koronto oo danabkeedu sarreeyo ay ku dhacday waddada, balse Wasaaradda Gaadiidka ayaa beenisay inay arrintaasi tahay sababta shilka.
Wasaaradda Korontada ayaa iyaduna sheegtay in fiilooyinku ay shaqeynayeen markii dabku billowday, isla markaana ay go’een kaddib markii uu dabku kacay, iyadoo ku adkeysatay inaysan sabab u ahayn shilka.
Madaxweynaha Masar, Cabdifataax Al-Siisi, ayaa amray in dhammaan dhaawacyada la siiyo daryeel caafimaad oo buuxa, sidoo kalena taageero loo fidiyo qoysaska dadkii ku dhintay musiibada.
Ra’iisul Wasaare Mustafaa Madbuuli ayaa booqday dhaawacyada, wuxuuna ballanqaaday in dowladda, hay’adaha samafalka iyo ganacsatada ay iska kaashan doonaan taageerada dadka ay musiibadu saameysay. Wuxuu sheegay in qoysaska dadkii dhintay la siin doono shahaadooyin maalgashi oo u abuura dakhli joogto ah, halka dadka baabuurtooda ku gubteen dabka loo ballanqaaday gaadiid beddel ah.
Dowladda ayaa sidoo kale sheegtay in toddobo hay’adood oo samafal ah ay ku yaboohdeen lacag dhan 24 milyan oo giniga Masar ah, taas oo u dhiganta ku dhowaad 445 kun oo dollar, si loogu taageero dhaawacyada iyo qoysaska dadka dhintay.
Shilkan ayaa mar kale soo nooleeyay doodda ku saabsan badqabka waddooyinka Masar, iyadoo tirakoob ay soo saartay hay’adda tirakoobka dowladda ee CAPMAS uu muujinayo in sannadkii 2025 ay waddooyinka dalkaasi ku dhinteen 5,829 qof, halka ku dhowaad 84 kun oo kalena ay ku dhaawacmeen.
From the comments