Warar dheeraad aha ayaa waxaa laga helayaa dil xalay ka dhacay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug, kadib markii halkaas lagu dilay wiil dhallinyaro ahaa oo kamid ahaa dhallinta magaalada sidaweyn looga yaqaanno.
Dilka ayaa waxaa uu si gaar ah uga dhacay dhanka Woqooyi ee magaalada ee Puntland, marxuumka la dilay ayaa la sheegay inuu toogtay wiil dhallinyaro ah oo ku hubeysnaa Bastoolad xili uu kasoo baxay masjidka Abuu Hureyra.
Marxuuka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Siciid Jaamac Kulan (Siciid Manadona), waxaana la sheegay inuu kamid ahaa dhallinta Taxsileyda ah, ee ka shaqeyso magaalada Gaalkacyo iyo Magalaada Garowe ee gobolka Nugaal.




From the comments