Goobjoog

Isbedel Lagu Sameeyey Maamulka Degmada Yaaqshiid

Wareegto kasoo baxday xafiiska guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa isbedel lagu sameeyay maamulka degmada Yaaqshiid. Guddoomiye Cumar Filish ayaa umagacaabay guddoomiyaha cusub…

Isbedel Lagu Sameeyey Maamulka Degmada Yaaqshiid

Wareegto kasoo baxday xafiiska guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa isbedel lagu sameeyay maamulka degmada Yaaqshiid.

Guddoomiye Cumar Filish ayaa umagacaabay guddoomiyaha cusub ee degmada Yaaqshiid Maxamed Cabdullaahi Cariif  iyadoo xilka guddoomiyanimo laga qaaday Muuse Geesey Jimcaale.

isbedelka lagu sameeyey maamulka degmada Yaaqshiid ayaa waxaa ku soo aadayaa iyadoo dhowaan isbello lagu sameeyey qaar kamid ah guddoomiye ku-xigeennada maamulka gobolka Banaadir.

Goobjoog News

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments