Goobjoog

Madaxweynaha Hirshabeelle oo Kulan La Qaatay James Swan

Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa kulan qadka Internet-ka waxaa uu kula qaatay u qaabilsanaha xogyaha guud ee Qaramada Midoobe arrimaha Soomaaliya Ambassador James Swan. Kulan oo ayaa…

Madaxweynaha Hirshabeelle oo Kulan La Qaatay James Swan

Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa kulan qadka Internet-ka waxaa uu kula qaatay u qaabilsanaha xogyaha guud ee Qaramada Midoobe arrimaha Soomaaliya Ambassador James Swan.

Kulan oo ayaa inta badan waxaa xoogga lagu saaray arrimaha dib u heshiisiinta bulshada dhaqaalaha iyo taabogelinta  doorashooyinka heer federaal oo la filaayo inuu dalku aado dabayaaqada 2020 iyo 2021-ka.

James Swan ayaa waxaa uu hambalyo u diray madaxweynaha la doortay iyo ku-xigeenkiisa, kuwaas oo kusoo baxay doorashadii dhacday magaalada Jowhar  11-kii bishaan November.

Beesha caalamka ayaa horay maamulkaan curudunka ah waxaa ay u balan qaadeen in ay ka taageeridoonaan dhinacyada amniga iyo mashaariic hormarineed, kuwaas oo laga fulin doono deegaannada Hirshabeelle.

Goobjoog News 

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments