Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa laba urur oo ka tirsan ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee Gorgor geysay magaalada Baraawe ee gobolka Shabeellaha Hoose, sida ay Goobjoog u xaqiijiyeen ilo lagu kalsoonaan karo oo xog-ogaal u ah dhaqdhaqaaqyada dowladda.
Tallaabadan ayaa timid kaddib markii dowladda Soomaaliya ay heshay xog sheegaysa in dowlado shisheeye ay qorsheynayaan in magaalada Baraawe la dejiyo madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), kaas oo horey xilka looga tuuray.
Xogta ay heshay Goobjoog ayaa tilmaamaysa in qorshahan uu la xiriiro loollanka siyaasadeed ee ka taagan maamulka Koonfur Galbeed, kaddib markii ay adkaatay in magaalada Baydhabo laga qabto Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Sheekh Aadan Madoobe), oo taageero ka helaya dowladda Federaalka Soomaaliya.
Haddii Laftagareen la dejiyo Baraawe, waxaa la sheegay in magaaladaasi ay noqon karto xarun uu ka sii wato sheegashada hoggaanka Koonfur Galbeed, maadaama Baraawe ay tahay caasimadda rasmiga ah ee maamulka, halka Baydhabo ay hadda xarun ku-meel-gaar ah u tahay maamulka uu hoggaamiyo Sheekh Aadan Madoobe.
Dhanka kale, xoogagga taabacsan Laftagareen ayaa horay ula wareegay deegaanno ay ka mid yihiin Buurhakaba, Bardaale iyo Awdiinle. Dhaqdhaqaaqyadaas ayaa qeyb ka ah loollanka siyaasadeed iyo midka milatari ee ka socda gobolka Baay.
Ciidamada Gorgor ee la geeyay Baraawe ayaa la rumeysan yahay inay qeyb ka yihiin tallaabooyinka ay dowladda Federaalka ku doonayso inay kaga hortagto qorshaha la sheegay, inkastoo aan weli la shaacin faahfaahin rasmi ah oo ku saabsan ujeeddada ciidanka loo geeyay magaalada.
Ilaa hadda, dowladda Federaalka Soomaaliya kama aysan hadlin xogta ku saabsan qorshaha la sheegay in Laftagareen lagu dejinayo Baraawe iyo sababta ciidanka Gorgor halkaas loo geeyay.
From the comments