Ra’iisalwasaarehii Hore Ee Sudan Al Mahdi Oo Geeriyooday
Sheeko:Wararka Caalamka
Ra’iisul wasaarihii hore ee Suudaan Saadiq Al Mahdi ayaa ku geeriyooday Imaaraadka Carabta, kadib markii Covid-19 loo dhigay Isbitaal ku yaalla wadankaasi, sida ay sheegeen qoyskiisa iyo xisbigii isagu uu ka tirsanaa ee NUP.
Waxaana isbitaalkan la dhigay kaddib markii 21 qof oo ka tirsan qoyska ra’iisalwasaare Al Mahdi ay qaadeen cudurka safmarka ah ee COVID-19 horraantii bishan November 2020-ka.
Saadiq Al Mahdi wuxuu ahaa 84 jir Ra’iisul wasaarihii Suudaan uu noqday tan iyo sanadkii 1989-kii xilliggaas oo xilka looga tuuray afgembigii uu garwadeen ka ahaa madaxweynihii hore ee Suudaan Cumar Xasan Al Bashiir.
Goobjoog News