Dowladda Sudan ayaa Malitarigeeda waxaa ay ku daabushay xuduudda bari ee magaalada Al-Fashaqa, oo ay la wadaagto wadanka Itoobiya, halkaas oo lagu dilay askar Sudanese ah , sida ay warisay wakaaladda wararka dalkaas.
Wakaaladda waxaa ay warisay in la dilay afar askari, halka dhaawac loo geystay 27 kale, mana jirto cid kale oo xaqiijisay sheegasha Sudan, goobtaan ayaa xuduud la leh gobolka Tigray oo ay shaqaaqo ka taagan tahay.
Ra’iisulwasaaraha Sudan Cabdalla Hamdok, oo toddobaadkii tegay booqday Addis Ababa ee ayaa dhiggiisa Ra’iisalwasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed kala hadlay calaameynta xuduudda labada waddan u dhaxeysa,




From the comments