Booliiska Kenya oo Helay Meydka Guddoomiye Horey Loo Afduubtay
Ciidamada Booliiska wadanka Kenya ayaa sheegay in la helay meydka guddoomiyihii degmada Gumarey oo maalinimadii Jimcaha ay afduubteen Al-shabab, kadib weerar ay ku soo qaadeen saldhiggii degmada oo gudoonka ka ahaa.
Saraakiisha booliiska Wajeer oo maamul ahaan ay hoostagto degmada ayaa sheegay in la helay meydka Cumar Aadan Buul, waxaana ay xuseen in ay ku soo war galiyeen dad xoolo dhaqato ahaa oo arkay meydka guddoomiyaha.
Booliisku ayaa sidoo kale sheegay in guddoomiyaha lagu gowracay meel ka baxsan degmada Gumaray oo meydkiisana laga soo helay deegaanka Khorof Harar Konton, sida ay ku sheegeen waxbixin ay baahiyeen.
Al-shabaab ayaa maalinimadii jimaha waxaa ay weerar ku qaadeen degmada iyagoo intii weerarka uu socday gacanta ku dhigay guddoomihii degamada Gumarey cumar Aadan Buul, kaas oo maanta meydkiisa la helay.
Goobjoog News