Wadan UK waxaa uu aad uga walaacasan yahay qatarta xanuunka Koroona wajigiisa cusub oo soo ifbaxay, waxaana uu sababay in dalka uu ka go’doomo dunida inteeda kale, waxaana hakad galay safaradii duulimaadyada iyo Badda. a
Ra’iisalwasaaraha wadanka Boris Jonson oo shir jaraaid qabtay ayaa fariin uu u gudbiyey shacabka dalkaasi waxaa ay muujinaysay aheyd inuu ka digay saameyn xanuunka cusub uu yeeshay dalka.
Xoghayaha caafimaadka UK ayaa sheegay in xanuunka nuucaan ah 70% uu ka fuditaan badan yahay kii horay loo arkay, waxaana uu intaas ku daray in xaaladdu ay faha kasii baxayso, waxaana ay aheyd fariin ku socotay shacabka.




From the comments