Wararka naga soo gaarayo degmada Balcad ee gobolka Shabeellada Hoose ayaa waxaa ay sheegayaan in gelinkii dambe ee maanta ay qaraxyo ka dhaceen degmada, waxaana kasoo baxayo warar kala duwan khasaare ka dhashay.
Qaraxayada ayaa waxaa la sheegayaa in ay aheen miino la geliyey meel aan sidaas uga fogeyn Koontrool ay degan yihiin ciidamo ka tirsan dowladda, waxaana wararku ay sheegayaan in wax yeello kasoo gaartay askar iyo shacab.
Qaraxa koowaad ayaa markii uu dhacay waxaa goobta soo gaaray ciidamo Boolis ah, kuwaas oo goobta xiray, waxaana islamarkiiba dhacay qaraxa labaad oo goobta lagu sii diyaariyey waxaana uu sababay khasaare.




From the comments