Wararka naga soo gaaraya degmada Dharkenley ee gobolka Banaadir ayaa waxaa uu sheegayaa in galabta uu ka dhacay qarax miino, kaas oo geystay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray dad shacab ah .
Qaraxa ayaa waxaa uu si gaar ah uga dhacay inta u dhaxeyso xaafadda Xoosh iyo Suuq Liif waxaana wararku intaa ku darayaan lal eegtay gaari uu la socday taliyaha ciidanka booliiska degmada Kaxda , xili uu halkaas marayey.
Qaraxa ayaa inta la xaqiijiyey waxaa ku geeriyooday laba ruux oo shacab ah oo mid kamid ah uu yahay wade Mooto Bajaaje iyo qof kale, halka ay dhaawacyo kasoo gaareen sedex ruux oo kale sida ay sheegayaan wararka la helayo.




From the comments