U bood dhigaalka

Bangiga Adduunka: Covid 19 dartii, Soomaaliya Shirkadaa Xirmay, 30% Waxaa Hoos u Dhacay iibka iyo Shaqada

Baaris ay sameeyeen hey’adaha bangiga adduunka iyo United Nations Industrial Development Organization ayaa lagu sheegay in saameyn baaxad leh uu Covid 19 ku yeeshay ganacsiyada gaar ah, ee gudaha Soomaaliya.

Baaris la sameeyey bilihii June iyo July ee 2020, waxaa lala kulmay ilaa 550 shirkad oo kala jooga shan magaalo oo Soomaaliya ah sida Baioda, Beledweyne, Bosaso, Kismayo iyo Mogadishu.

 Natiijada waxaa lagu ogaaday in xanuunka Covid 19 ee ka dilaacay Soomaaliya uu 30% hoos u dhigay iibka iyo shaqada intaba.

 Isla warbixinta waxaa lagu xusay, 45% ka mid shirkadaha lala kulmay, waxaa ay joojiyeen shaqadooda sababo la xiriira saameynta xun ee Covid 19.

 Warbixinta waxaa ku jirta in 90 shirkad ay dib uga dhaceen lacagihii ay ku bixin jireen mushaarka, deymaha ama canshuuraha halka 75% shirkadaha la ogaaday in aaney bixin Karin qarashaadka 6-da bil ee soo socota.

 Afar bil kadib daraasadda, warbixinta waxaa ku jirta in 1% oo shirkadaha ah ayaa heleen gargaar.

Goobjoog News