Dagaal Ciidamada Dowladda iyo Al-shabaab Ku Dhexmaray Degaan ka Tirsan Gobalka Shabeellada Dhexe
Wararka Inaga soo gaaraya degmada Raagga-ceelle ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, ayaa sheegaya in dagaal xoogaan uu halkas ku dhex maray ciidamo ka tirsan kuwa dowladda iyo ururka Al-shabab.
Dagaalka ayaa bilawday kadib markii xubna ka tirsan Alshabab ay weerar ku qaadeen saldhig ciidamada Dowladda ay ku leeyihiin degmada Raagga-ceelle ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.
Qaar ka mid ah Dadka deegaanka oo warbaahinta la hadlay ayaa u sheegay in dagaalka kadib Al-shabaab ay u suura-gashay inay la wareegaan gacan ku heynta degmada, isla markaana uu jiro khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo labada dhinac soo kala gaaray.
Al-shabaab ayaa warar ay ku daabaceen Barahoda dhanka Internet-ka ah ee taageera waxa ay ku sheegteen in ay dagaal kula wareegeen degmada Raagga-Celle .
dhanka kale Ilaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Saraakiisha Ciidanka dowladda Federaalka oo ku aadan la wareegida shabaabka ee Raagga-ceelle, iyadoo haatan xaaladda ay tahay mid degan.