Waxaa garoonka diyaaradaha maagalada Dhuusa-mareeb ee caasimadda dowlad gobaleedka Galmudug, goordhaw gaaray wafdi uu hogaaminayo wakiilka Qaramada midoobay u qaabilsan arimaha soomaaliya James Swan.
Wafdi Swan ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ku soo dhaweeyay madaxweeyne ku-xigeenka maamulka Galmudug Cali Daahir Ciid iyo mas’uuliyiin ka tirsan dowlad gobaleedka galmudug.
Ujeedka Safarka wakiilka Qaramada Midoobe ayaa ah sidii xal looga gaari lahaa khilaafaadka hareeyay arimaha doorashooyinka Soomaaliya





From the comments