Wararka naga soo gaarayo Gobalka Bakool ayaa sheegaya in xalay xilli danbe ay diyaaradaha aan duuliyaha wadin ee Daroon(Drone)ka loo yaqaano ay duqeeyn dhanka cirka ah ka fuliyeen deegaano hoostaga degmada Xudur.
Duqeeynta ayaa la sheegay in lala bartilmaameedsaday fariisimo ay Al-shabaab ku lahayeen deegaanka Ma’moodow oo qiyaastii 40 Km u jira degmada Xudur ee xarunta gobalka Bakool .
Saraakiisha Howl galka duqeeynta hogaaminayay ayaa sheegay in ay bur buriyeen fariisimo al shabaab ay ku laheeyn deegaankaas, iyagoo sidoo kale sheegay in ay duqeynta ku dileen saraakiil ka tirsan Al shabaab .




From the comments