Warbixin: Sidee Sharci-darro ku tahay Hannaanka Magacaabista iyo Meelmarinta Golaha Adeegga Garsoorka?
Wasiirka cadaaladda ee dowladda federaalka ah Cabdikadir Maxamed Nuur oo qoraal soo dhigay bartiisa Faceboogga ayaa sheegay in maanta markii ugu horreysay taariikhda dowladnimada Soomaaliya uu dalku leeyahay gole adeeg gasroor oo madaxbannaan.
Wasiir Nuur oo arrintaas ka hadlay ayaa yiri’Wasaaraddu waxa ay si adag uga shaqeysay dhameystirka dhismaha Golaha Adeegga Garsoorka, waxaana la soo dhameystiray xubnihi ka dhinnaa golaha, waxaa la marsiiyay golayaasha xukuumadda iyo Shacabka ugu danbeynna waxaa lagu soo saaray xeer madaxweyne, waxaana maanta ku guuleysannay in marki ugu horreysay taariikhada dowladnimada Soomaaliya uu dalku leeyahay Gole Adeeg Garsoor oo u madaxbanaan maamulka hay’adaha garsoorka ee dalka, arintaan ayaa ka dhigan in tiirki ugu muhiimsanaa hanaanka dimuquraadiga ah maanta loo suray qaranka Soomaaliyeed, taa oo ah madaxbanneynta buuxda ee garsoorka dalku helay.
Arrintan ayaa imaaneysa saacado kadib markii baraha bulshada lagu arkay warqadda uu madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday ansixiyey, taarikhda warqadda oo dib loo dhigay ila 30-kii December taas oo ku qornaayeen 7 xubin oo ka mid noqonaya golaha adeegga garsoorka.
Warqaddan oo aan kusoo bixin faafinta rasmiga ah ee dowladda federaalka ah ayaa sidoo kale waxaa ay inkiray iney Villa Somalia kasoo baxday xubno ka tirsan qeybta warfaafinta ee madaxtooyada Soomaaliya.
Khilaaf Dastuuri ah: Aqalka sare ee baarlamaanka federaalka ah oo qoraal soo saaray ayaa sheegay in magacaabta aan loo marin hannaan sharci ah, sidaa darteedna xeerka madaxweyne ee tirsigiisu yahay Ln 357 ee soo baxay December 30, 2020 uu si cad u jabinayo qodobbada dastuuriga ah ee khuseeya magacaabista iyo meelmarinta xubnaha adeegga garsoorka iyo habraaca uu jeediyey sharciga adeegga garsoorka Lr 28 ee soo baxay 8/7/2014, uuna xeerka madaxweynaha yahay sharci darro.
Sharciga waxa ku qoran lagu dhisay guddiga, qodobkiisa 7aad waxaa ku qoran habraaca loo marayo magacaabista xubnaha adeegga garsoorka, waxaana faqrada 2aad ay qoreysaa: Golaha wasiirrada marka ay ansixiyaan kadib waxay baarlamaanka federaalka ah usoo gudbinayaan magacyada sagaalka musharax oo lagu soo xulay si waafaqsan qodobka 6-aad ee sharciga.
Golaha adeegga waxaa ay ansixiyeen golaha shacabka November 16, laakin aqalka sare oo loo gudbiyey 22-kii isla bishaas, weli waa uu heystay, laakin waxaa ay ka war heleen inuu Farmaajo saxiixay.
Dhanka kale, sida uu sheegay aqalka sare sababaha uu ku diiday ansixinta guddiga waxaa ka mid ah in guddiga ay baarlamaanka u gudbisay xukuumad aan sharci aheyn, sida ku cad qodobka 112-aad ee dastuurka ah oo ku saabsan awoodda golaha wasiirrada.
Dhanka kale, arrintan meelmarinta golaha adeegga garsoorka waxaa ka hadlay Xildhibaan Mahad Salaad iyo hoggaamiyaha xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur.
Goobjoog News