Midowga Musharaxiinta Oo Markale Ku Baaqay Dibadbaxyo Looga Soo horjeedo Madaxweynihii Hore Soomaaliya Ee Farmaajo
Midowga Musharaxiinta Xilka Madaxweynaha Soomaaliya ee mucaaradka ayaa mar kale ku baaqay bannaan bax maalinta jimcaha oo ku beegan 26 Febraayo 2021 ka dhici doona Taalada Daljirka Dahsoon ee degmada Boondheere ee Magaalada Muqdisho
Shir jaraa’id oo Musharaxiinta ay ku qabteenHotelka Jazeera oo xarun u ah iyaga ayay markale ku shaaciyeen in bannaan baxa lagu raadinayo qabsoomida doorashooyinka dalka ay dhacayaan,iyagoo shacabka ugu baaqay in ay ka soo qeyb galaan banaanbaxaas nabadeed.
“Farmaajo waxa uu rabaa inuu baa’biyo dadka isaga talada la leh , waxaan sii wadaynayaa bannaanbaxyada aan ku doonayno doorasho loo siman yahay ” ayuu isna hadalkan u sheegay Hoggamiyaha Xisbiga Wadajir ahna musharrax xilka Madaxweyne Soomaaliya mudane Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.
Goobjoog News