U bood dhigaalka

Maamulka Gobalka Banaadir Oo Ganaaxaya Qofka Ka Taga Afxirka

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Maxamed Maxamuud (Filish) ayaa shir jaraa’id uu qabtay waxa uu amray bulshada Caasimadda in ay u dhaga nuglaadaan fariimaha caafimaad iyo wacyigalinta uu wado maamulka gobolka Banaadir ee loogu hortagayo faafitaanka caabuqa COVID-19.
Duqa magaalada Muqdisho ayaa sidoo kale tilmaamay in ay ciqaab la kulmi doonnan cidii fulin weyso awaamiirta ay soo saartay wasaarada Caafimaadka ee la xariirta cudurka Coronavirus.
Waxa uu sidoo kale tilmaamay in ay jiraan dad aan weli qaadan amarrada looga hortagayo xanuunka oo ay soo rogtay dowladda .
Cumar Filish ayaa yiri ” Marka hore waxaa la yiri goobaha ganacsiga halaga illaaliyo dadka ka adeeganaya Afxir la’aan in ay galaan oo ay ka adeegtaan , suuqyada waa sidoo kale, dadka goobta ganacsiga wax ku iibinayana iyagana waa sidoo kale ay afka xirtaan oo aanay isku dhawaan, oo gacmaha la dhaqdo , wacyi gelintu intaas ayeey aheyd.”
“Waa sii badate dadkii laga helaayay waxaa la xiray markaas Jaamacadihii iyo Iskuulladii waxaa la joojiyay dhamaan goobahii la isugu imaanayay sida Aroosyada iyo meel kasta oo ay bulshada isugu imaaneysay , haddii ay qatartu ay sii socoto waxaa la xiri doonaa Duulimaadyada laakiin illa hadda dowladdu go’aan ma qaadan lagu xiraayo duulimaadyada maxaa yeelay waxaa la raejeeynaya in ay dadku u dhega nuglaadan wacyi gelinta iyo tallooyinka caafimaad ee la bixinayo” ayaa intaas raaciyay
Ugudambeyntii Gudoomiyaha Gobalka Ayaa u digay goobaha Waxbarashada ee Welli furan isagoo yiri “Welli waxaa jira Iskuulladii la yiri hala xiro qaar furan ayaa jiro , waxaa jira dadkii la yiri markii aad wada mareysaan ama BL ama Bajaaj aad raaceysaan ha idiin xirnaado Afsaab(Face Mask), weli uma xirna , een goobihi isu imaatinka qaar baa weli la isugu yimaadaa “.
“Haddii intaas aan soo sheegnay weli ay sii taagan yihiin maxaa la sameyna sadar muuqda su’aal ka dhan waa in la ciiqaaba , ciqaabtu maxeey noqoneysa Ganaaxa ku imaanaya , ayaan dhaweyn 1 March markii aan arrintaan ka hadleynay waxaan irri Isbuuc kadib ayaa ganaax bilaaban doonna , haddana amarkii madaxda  dowladda tiri Isbuuc kadib ayaa ganaaxu Bilaaban doonna , marka 15 bisha ayuu bilaabmi doona Ganaaxa “.