Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax khasaaro geystay oo ka dhacay Afaafka hore ee Xarunta Taliska guud ee Ciidamada asluubka Soomaaliyeed.
Illa iyo hadda inta la xaqiijiyay waxaa ku geeriyoodey 10 qof halka in ka badan 10 kale uu dhaawac ka soo gaaray qaraxa.
Dad goobjoogeyaal ah oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in laga maqlay dhawaqiisa xaafadaha degmooyinka ka agdhaw Ex-control Afgooye.





From the comments