Aqalka Sare Ee Somaliland oo Lasoo Gabagabeeyey, 46 Xildhibaan Ayaa Guud ahaan Aqalka loo Doortay
Waxaa goordhow lasoo gabagabeeyey doorashada aqalka sare e Somaliland kadib markii la doortay ilaa shan xildhibaan oo cusub.
Senatorka cusub ee Saciid Cabdi Xasan waxaa u tanaasulay Jamac Cabdullahi Maxamed halka Naciimo Xasan Xaaji oo ah kursiga keliya tartan ka dhacay ay ka guuleystay Senatorada hadda ku fadhisay ee Muno Cumar Xasan iyo Sucaad Xasan Maxamed
Senatorka cusub ee Axmed Maxamed Saciid waxaa u tanaasulay labadii la tartameysay ee Xasan Cabdi Gaas iyo Cabdirisaq Axmed Cali
Waxaa isna Senator noqday Axmed Ibraahim Qorane kadib markii uu tanaasulay tartamihii kale ee Baashe Maxamed Ismaciil
Dhankeeda Senatorada cusub ee Deeqa Xasan ayaa heshay kursiga, waxaa u tanaasushay Hodan Abuukar Maxamed.
Shalay waxaa Aqalka saree e Somaliland loo doortay Bilaal Idiris, Leyo Axmed, Cusmaan Dubbe, Cabdi Ismaaciil Samatar iyo Cabdi Xaashi Cabdullahi.
Ilaa hadda guud ahaan aqalka sare waxaa loo doortay 46 xildhibaan, kuwaas oo kala ah Jubbaland(4), Koonfur Galbeed(8), Hirshabelle(6), Galmudug(6), Puntland(11) iyo Somaliland(11), waxaana dhimman 8 xubin oo keliya.
W/Q: Cabdi Caziz Gurbiye,