Ciidamada dowladda federalka Soomaaliya ayaa howlgallo waxaaa ay ka fuliyeen deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellada hoose, howlgalkaan ayaa waxaa uu ahaa mid lagu xaqiijinayay amniga deegaannada ciidanku ay gaareen oo shacabku amni darri kaga cabanayeen.
Howlgalladaan ayaa waxaa laga fuliyay deegaannada leego, Yaaq Bariweyne iyo Warta Madax Maroodi oo hoostaga degmada Walanweyn ee Gobolka Shabellaha Hoos, deegaannadaan ayaa ah kuwa muddooyinkii ugu dambeeyay laga sheegay amni xumi, sigaar ah deegaannada hoostaga Walanweyn.
Taliyaha ururka 64-aad ee xoogga dalka Cali Cabdulalahi Halac ayaa sheegay in howlgalladu ay ku qotomeen xaqiijinta amniga deegaannadaas, waxaana uu intaas ku daray intii howlagalka socday in gacanta ay ku dhigeen xoogga ka tirsan Al-shabaab sida uu hadalka u dhigay taliyaha.




From the comments