Guddoomiyaha golaha shacabka Sheekh Adan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa kulan kula qaatay hooygiisa qaar kamid ah golaha wasiirada.
Kulanka ayaa waxaa looga hadlay sidii guddoonka golaha shacabka ay qayb uga qaadan lahaayeen ansixinta xukuumadda cusub ee ra’iisulwasaare Xamsa.
Guddoomiye Madoobe ayaa wasiirada alle uga baryay in uu u fududeeyo xilka culus ee loo igmaday, waxaana kulanka goobjoog ahaa wasiirka gaashaandhigga, wasiirka arrimaha diinta iyo Aw-qaafta iyo xubna kale oo ka tirsan golaha xukuumadda.









From the comments