Ciidanka dowladda federalka ah Soomaaliya oo taageero ka helaya dadka deegaanka ayaa waxaa ay la wareegeen deegaanka Basra iyo Tuulooyin hoostaga, kuwaas oo dhaxeeya magaalooyinka Afgooye iyo Bacad oo kala tirsan Shabeellaha hoose iyo Shabeellaha dhexe, kadib markii waabarigii saakay ciidanku ay ku qaadeen howlgallo ballaaran deegaannadaasi.
Ciidamada ayaa la wareegay ilaa dhowr deegaan, kuwaas oo muddooyinkii dambe ay ku sugnaayeen Al-shabaab, inta badan waa ku dhaca jiinka Wabiga Shabeelle, deegaannada ciidanku uu la wareegay ayaa kala ah, 1. Basra 2. Sabyo 3. Baqdaad 4 . Beled Al-kariim 5. Baldooska 6. Alifoow 7. Muryaley 8. Daniga Balow 9. Buula Xansholey, oo hoostaga Basra.
Warsaxaafadeed kasoo baxay dowladda ayaa waxaa lagu sheegay intii uu howlgalka socday in sidoo kale lagu dilay shan ka tirsan dagaalamayaasha Al-shabaab, deegananadaan ayaa muhiim u ah isku xirka gobolka Banaadir iyo labada Shabeelle, waxaana sidoo kale howlgalka lagu bururiyay xarumo ay la haayeen Al-shabaab oo ay maxkamado ku jiraan.










From the comments