Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kulan la qaatay wasiirada waxbarashada heer federaal iyo heer dowlad gobaleed.
Xasan Sheekh ayaa warbixin ku aaddan baahiyaha waxbarasho ee dalka ka jira ka dhageystay, waxaana uu sheegay in ay dowladda wax ka qabaneyso arrimaha waxbarashada dalka.
Kulanka ayaa waxaa goobjoog ahaa Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac, Wasiirka Waxbarashada Dowladda Federaalka Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir iyo Wasiirrada Dowlad-goboleedyada dalka.









From the comments