Wasiirka arrimaha gudaha, Federaalka iyo dib u heshiisiinta Mudane Axmed Macallim Fiqi iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ku sugan degmada Xudur ee caasimadda gobolka Bakool ayaa ka qeybgalay xaflad si heer sare loosoo agaasimmay oo lagu caleemosaaray guddoomiyaha degmada Xudur iyo maamulka deegaanka.
Gudoomiyaha cusub ee degmada Xudur Cumar Cabdulaahi Maxamuud oo la caleemasaaray ayaa golaha hoggaamin doona afarta sano ee soo socota, wasiirka oo madasha Khudbad ka jeediyay ayaa bulshada degmada Xudug dadaalka ay muujiyeen iyo sida ay ugu adkaysteen go’doonka Al-shabaab ay saareen sida uu yiri.
Wasiir Axmed Macalin Fiqi ayaa inta uu Xudur joogay waxaa uu booqasho ku tagay qeybo ka mid ah magaaladaasi oo uu ku jiro garoonka diyaaradaha oo ay ka socoto howlo dhismo ah isaga oo indhaindheeyey xaaladda guud, dhageystana baahida maamulka iyo shacabka ay u qabaan helitaan garoon diyaaradeed.





From the comments