Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ayaa maanta markale u fariisatay dacwadda 13 Askari oo katirsan ciidanka Dowladda Federaalka Soomaaliya oo geystay dilal kale duwan xilli ay ku qornaayeen Ilaalada Isgoyska Siinaay. Dhacdadaan oo dhacday 27-kii Febaraayo 2023 ayaa noqotay arrin tan iyo xilligaas la sugayay in go’aan ay ka gaarto Maxkamadda Ciidamada qalabka, waxaana sidoo kale goobta laga sheegay magacyada dadkii geeriyooday.
1:Ilhaan Cabdijamaal Makki oo ah Hooyo Uur 2: bil ah lahayd ahna Ardayad Jaamacadeed. 3:Cabdullaahi Cabdi Maxamuud oo ah Wade Gaari. 4:Ilyaas Axmed Nuur, 5:Ayuub Daa’uud Xuseen, 6:-Cabdiqadar Maxamed Xuseen oo ahaa Bajaajle-yaale7:Isxaaq Xuseen Maxamuud.
Dadkaan ayaa dhammaantood ku geeriyooday rasaasta ka dhacday Qori Shilka ah oo uu riday Cabdulqaadir Xasan Cabdulle oo ku magac dheer (Sheelari) . Qorigaas rasaasta ka dhacday ayaa sidoo kale geysatay dhaawaca illaa 4-ruux halka khasaara maaliyadeed uu geystay, Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ayaa ku xukuntay Dil toogasho ah oo ah qisaasta dadka uu nafta dhaafiyay sida uu sheegay Guddoomiye Shuute.




From the comments