Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in lagu guuleystay soo afjaridda weerarkii lagu qaaday magaayadda Pearl Beach ee degmada Cabdicasiis ee gobolka Banaadir oo ay weerareen dagaalamayaal ka tirsan kooxda Al-shabaab.
Sidoo kale dowladdu waxa ay sheegtay in la soo badbaadiyay shacab badan oo ku go’doomay gudaha maqaayadda intii uu socday howlgalka samatabixinta oo ciidanku ay ka wadeen goobta la weeraray.
Dhinaca kale qoraalka kasoo baxay dowladda Soomaaliya ayaa lagu xusay in la toogtay ilaa iyo lix dagaalame oo ka tirsanaa Al-shabaab, kuwaas oo gudaha u galay dhismaha maqaayadda oo ka dhex dagaalamayay in muddo ah.




From the comments