Madaxweynaha dalka Maraykanka Joe Biden ayaa Sabtidii sheegay inaanu maamulkiisu “fududayn doonin” jidka ay Ukraine ugu biirayso, isbahaysiga NATO, isaga oo xusay in dalkaasi looga baahan yahay inuu maro, hannaanka loo dejiyey, xubnaha cusub ee ku biiraya isbahaysiga milateri.
Sida uu dhigayo, qorshaha loo dejiyey inay maraan xalalka xubnaha ka noqonaya NATO, waxaa looga baahan yahay inay la yimaaddaan, dib u habayn milateri iyo nidaam dimoqraadi ah, ka hor inta aanay dalban xubinimada.
Toddobaadkii hore ayay ahayd, markii masuuliyiin ka tirsan xukuumadda Maraykanku, ay sheegeen inay diyaar u yihiin, in meesha laga saaro qaar ka mida shuruudaha ku xidhan, xubinimada isbahaysiga NATO, si ay Ukraine ugu fududaato inay ku biirto isbahaysigaas.




From the comments