Waabirigii hore ee Saakay Hoobiyaasha ayaa geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray dad shacab ah oo ku dhacay qeybo kamid magaalada caasimadda ee Muqdisho.
Waxaa inta la xaqiijiyay ku geeriyooday Aabe iyo Gabar uu dhalay hoobiyaasha mid ka mid ah oo kusoo dhacay gurigooda oo ku yaala xaafad ka tirsan degmada Wartanabadda ee gobolka Banaadir.
Waxaana sidoo kale dhaawacyo ay soo gaareen hooyada qoyska iyo xubno kale oo isla qoyska ah oo ay ku jiraan caruur uu dhalay Aabaha geeriyooday oo macalin dugsi ahaa sida ay sheegayaan wararka la helayo, xilli dhanka kale qeybo kamid degmada Deyniile ay ku dhaceen Hoobiyaal walow aan khasaaro lasoo sheegin ay geysteen ilaa iyo hadda.





From the comments