Dowladda Federalka Soomalaiya iyo Dowladda Federalka Itoobiya ayaa kala sixiixday hishiis dhanka difaaca ah, kaas dib loogu cusbooneysiinayo heshiis ay labada dowladood ay wada galeen 2014, xilligaas oo dalka uu madaxweyne ka ahaa Madaxweyne Xasan Sheekh.
Wasiirka Wasaaaradda Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa dowladda Soomaaliya u sixiixay heshiiskaan, halka dhinaca dowladda Itoobiya uu sixiixay iyo dhiggiisa wasiirka Gaashaandhigga Itoobiya Abraham Belay.
Bayaan kasoo baxay wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa lagu xusay in heshiiskan uu sii xoojin doona iskaashiga dhinacyada danaha labada dal waxa uuna sidoo kale sahlayaa in si dhow la isaga kaashado xoojinta nabadda iyo ammaanka dowladahaan dariska ah




From the comments