Kumannaan shacabka Soomaaliyeed ayaa maanta Waxaa dibadbax weyn ka dhigay jidadka Muqdisho iyaga oo isugu uruuray Taallada Daljirka-daahsoon iyo Isgoyska KM4, waxaana ay muujinayaan shucuurtooda ku aadan diidmada damaca Itoobiya ee badda Soomaaliya iyo heshiiskii 1-da bisha ka dhacay magaalada Addis Ababa ee u dhaxeeyay Ra’iisulwasaare Abiy Axmed iyo Muuse Biixi Cabdi.
Dibadbax waxaa kala qeybgalay oo ka hadlay mas’uuliyiin kale duwan oo ka tirsan dowladda federalka, waxaana dhammaan ay muujiyeen sida ay ula dhacsan yihiin shacabka.
Dibadbaxayaasha oo cod dheer ku cabirayay dareenkooda ayaa socod ku maray qeybo badan oo caasimadda Muqdisho iyaga oo sitay boorar ay ku qofan yihiin: Baddeenna Beec ma aha, Taako Baddeenna, Kama Tanaasulayno, Taako Dhulkeenna, Kama Gorgortameyno iyo Taako dhulkeenna.




From the comments