U bood dhigaalka

Dowladda Bangladesh oo Xabsiga Dhigtay Arday Ka Qeybgashay Bannaanbax Looga Soo Horjeeday

Dowladda Bangladesh ayaa xabsiga u taxaabtay saddex hoggaamiye arday, kuwaas oo gacan ka gaystay isu-dubbaridka isu-soo-baxyada looga soo horjeedo kootada shaqada ee dawladda ee ay gaarka u leeyihiin qoyaska halyeeyadii dagaalkii xornimada,

Dibadbaxyada ay ardaydu hormuudka u yihiin oo maalmo socday ayaa sababay dhimashada dhawr qof iyo bandow ay dawladdu soo rogtay oo ay xannibaado dhanka isgaarsiinta ahi ku jiraan.

Booliiska ayaa markii hore beeniyay in seddaxda hoggaamiye ee dhaqdhaqaaqa ardayda qaban-qaabinayay oo kala ah Nahid Islam, Abu Bakar Mazumdar iyo Asif Mahmud ay xabsiga dhigeen, balse wasiirka arrimaha gudaha Asaduzzaman Khan ayaa markii dambe u sheegay warfidiyeenka.

“Iyaga laftoodu waxay dareemayaan ammaan darro oo ay u malaynayaan in dadka qaar ay u hanjabayeen, waxaana u malaynaynaa ammaankooda inay u baahan yihiin in su’aalo la weydiiyo si loo ogaado cidda u hanjabaysa”. Ayuu yiri wasiir Khan.

Bannaanbaxyadan oo dhan ah shaqa la’aanta dhallinyarada iyo kootada boqolkiiba 30-ka ee ay qoysaska halyeeyadu ku leeyihiin shaqooyinka dowladda ayaa todobadkii labaad ka socda magaalooyinka waaweyn ee dalkan ku yaalla koonfurta qaaradda Aasiya, waxayna dadku dalbanayaan in fursadaha iyo adeegyada dowliga ah laga dhigo kuwo loo simanyahay.