U bood dhigaalka

Magaalada Nairobi oo Wali Dibadbaxyadu Sii Socdaan iyo Cabsi Xooggan oo Laga Muujinayo

Dibad-baxyo xooggan ayaa weli ka socda guud ahaan dalka Kenya, gaar ahaan magaalada caasimadda ah ee Nairobi halkaas oo saacadihii la soo dhaafay ay ka dheceen bannaanbaxyo xooggan oo ay boolisku xakamayn waayeen.

Ciimada ayaa aad u adkeeyay ammaanka dhammaan waddooyinka gala Xarunta Ganacsiga ee Magaalada (CBD) si looga hortago mudaaharaadayaasha laga magac baxay ‘Nane Nane’ ee la filayo inay dibadbaxyo xooggan oo rabshado wata halkaas ka sameeyaan.

Ciidamo tiro beel ah ayaa la soo dhoobay Laga soo bilaabo wadada Mombasa ilaa wadada Thika iyo wadada Jogoo, kuwaas oo bara koontarool ka samaystay, islamarkaana aad ula socda dhaqdhaqaaqa dadka iyo gaadiidka halkaa maraya, iyadoo dadka qaarkood loo diiday inay galaan xarunta CBD oo ay ku jiraan gaadiidka dadweynaha ee loo yaqaan PSVs.

Xaaladda halkaas ayaa saacadihii la soo dhaafay ahayd mid kacsan, iyadoo booliisku ay sunta dadka ka ilmeysiisa u isticmaaleen si ay u kala eryaan dibadbaxayaasha isugu baxay meelaha muhiimka ah ee magaalada , waxaana la xiray dad badan, balse bannaanbaxyadu ay sii socdaan.