U bood dhigaalka

Shacabka Muqdisho oo Bannaanbax Looga Soo Horjeedo Weerarkii Liido Maanta Ku Qabtay Xeebta

Dibad-bax looga horjeedo qarixii lagu hoobtay ee dhowaan ka dhacay xeebta Liido ayaa hadda ka socda isla goobtaas, waxaana isugu baxay qeybaha kala duwan ee bulshada iyo masuuliyiin ka tirsan dowladda iyo gobolka Banaadir, kuwaas oo ku dhawaaqaya erayo iyo hal-dhegyo ka dhan ah kooxda Alshabaab.

Wasiirro ka tirsan xukuumadda ayaa bannaanbaxa hormuud ka ah, ayadoo ujeedadu tahay in la muujiyo sida ay dadka iyo dowladda Soomaaliya uga xun yihiin, musiibadii 2-dii bishan ka dhacday huteelka beach view iyo afaafkiisa ee hore ee dhicina xeebta Liido, halkaas oo dhallinyaro badani ay ku dhinteen, qaar kalena waxyeeladii soo gaartay ay weli isbitaallada u jiifaan.

Qarax uu fuliyay qof naftii hallige oo uu xigey weerar toos ah ayaa xilligaas galaaftay nolosha ku dhowaad 40 qof oo halkaa ku cawaynayay, halka dhaawacyaduna ay 70 meeyo gaareen, kuwaas oo gurmadka la tacaaliddooda ku saabsani uu socdo, guddi heer wasiir iyo culumo isugu jiraahina ay gacanta ku hayaan.