U bood dhigaalka

Shacab Israel iyo Falastiiniyiin ah oo Ku Hor Bannaanbaxay Goob uu Khudbad Ka Jeedinayay Benjamin Netanyahu

Bannaanbaxyo waaweyn oo ka dhan ah Israa’iil iyo dagaalka ay ka waddo marinka Qasa ayaa ka dhacay afaafka hore ee aqalka Congress-ka Mareykanka oo uu khodbad ka jeediyay Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu oo dalkaas booqasho ku jooga.

Dibad-baxyada ayaa mideeyay Dad Falastiin ah oo ka soo horjeeda gumaadka ay xukuumadda tell Aviv ka waddo iyo kuwo Israa’iiliyiin ah oo qaarkood ay qaraabo la yihiin la-haysteyaasha ay xamaas gacanta ku hayso, kuwaas dalbanaya in dagaalka la joojiyo, wada hadalladiina dib loo furo si maxaabiista loo laysku waydaarsado.

Booliiska Maraykanka ayaa xiray lix qof oo kamid ah qaraabada Israa’iiliyiinta lagu hayo Qaza, kuwaas oo qeyb ka ahaa dadka bannaanbaxyada dhigayay sida ay warbaahinta u xaqiijiyeen xubno kale oo kamida xegta dadka maxaabiista ah ee Xamaas gacanta ugu jira.

Dadkan ayaa xirnaa funaanado ay xardhan yihiin erayo nuxurkoodu yahay “shaabbad ku dhifo heshiis” oo ay Benjamin Netanyahu ugu baaqayaan inuu xamaas kala xaajoodu sii daynta la haysteyaasha marinka Qasa.

Dad badan Israa’iiliyiin ah, gaar ahaan ehelada ay dadkooda xamaas gacanta ku hayso ayaa diidan sii socoshada gumaadka ay xukuumadda Netanyahu ka waddo Qasa, ayagoo door bidaya in wada hadal lala galo kooxdan u dagaallamaysa difaaca dadkooda, dalkooda, iyo diintooda.