Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka Marwo Sacdiyo Yaasiin Xaaji Samatar oo uu wehliyo Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Mudane Cabdullaahi Cumar Abshiroow ayaa maanta guddoomisay kulanka 11-aad ee guddiga joogtada ah ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Guddoomiye Sacdiyo Yaasiin ayaa xubnaha guddiga joogtada uga warbixisay xaalada guud ee dalka iyo guud ahaan waxyaabaha hortebinta u leh dowladnimada dalka, waxaana kulanka lagu ajandeyay heshiiska ku biirista ururka Bulshada Bariga Afrika.
Kulanka guddiga joogtada ayaa sidoo kale lagu taageeray Musharaxa Dowladda Soomaaliya ee u taagan qabashada Ururka Midowga Afrika, Xildhibaan Fowsiya Yusuf Xaaji Aadan, oo noqotay Haweeneyd ugu horeysay oo Soomaali ah isku sharaxday xilkaas.




From the comments