Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada caasimadda ah ee Muqdisho kulan kula yeeshay Safiirka dowladda Switzerland u fadhiya Soomaaliya, mudane Valentin Zellweger.
Kulanka Madaxweynaha iyo Safiirka ayaa diiradda waxaa lagu saaray xoojinta xiriirka labada dal iyo horumarinta iskaashiga Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay. Sida lagu yiri qoraal kooban oo ka soo baxay Villa Soomaalia.
Waxaa looga hadlay sida ay Soomaaliya uga go’an tahay xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed iyo kobcinta iskaashiga dhinacyada muhiimka ah ee caalamiga ah si wax looga qabto caqabadaha la wadaago loona horumariyo nabadda iyo xasilloonida gobolka.




From the comments