Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in gogoshii wada-hadalka siyaasadeed ee ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ku baaqday ay weli furan tahay, isla markaana dowladda ay diyaar u tahay inay wada-hadal la yeelato dhammaan dhinacyada siyaasadda ee dalka.
Madaxweynaha ayaa hadalkan ka sheegay magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Dowlad Goboleedka Galmudug, xilli uu ka qaybgalayay munaasabadda caleemo-saarka Hoggaamiyaha cusub ee Galmudug, Liibaan Axmed Xasan, taas oo ay ka soo qayb galeen mas’uuliyiin ka tirsan dowladda federaalka, madaxda dowlad-goboleedyada iyo marti sharaf kale.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa carrabka ku adkeeyay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay mar walba diyaar u tahay wada-hadalka, isagoo tilmaamay in khilaafaadka siyaasadeed ee gudaha dalka lagu xallin karo wadahadal iyo is-afgarad, halkii ay ka sii fogaan lahaayeen kala aragti duwanaanshaha jira.




From the comments