Goobjoog

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Wefdi uu Hoggaaminayo oo Gaaray Dhuusamareeb

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Dowlad Goboleedka Galmudug, halkaas oo si diirran loogu soo dhoweeyay.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa waxaa garoonka diyaaradaha Dhuusamareeb ku qaabilay Hoggaamiyaha cusub ee Dowlad Goboleedka Galmudug, Mudane Liibaan Axmed Xasan, iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan maamulka.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa magaalada u tegay ka qeybgalka munaasabadda caleema-saarka madaxda cusub ee Dowlad Goboleedka Galmudug, munaasabad ay isugu imaanayaan madaxda ugu sarreysa dowladda Federaalka, hoggaamiyeyaasha dowlad-goboleedyada dalka iyo marti sharaf kale oo ka kala timid gudaha Soomaaliya iyo dalalka gobolka.

Imaatinka Madaxweynaha ayaa kusoo biiraya wufuud heer sare ah oo maalmihii iyo saacadihii ugu dambeeyay gaarayay magaalada Dhuusamareeb, kuwaas oo ay ka mid yihiin Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, hoggaamiyeyaasha dowlad-goboleedyada iyo diblomaasiyiin ka socda dalal kala duwan.

Caleema-saarka hoggaanka cusub ee Galmudug ayaa noqonaya munaasabad ay madaxda Soomaaliyeed kaga qeybgalayaan magaalada Dhuusamareeb, iyadoo ay tahay fursad ay ku kulmaan hoggaanka dowladda Federaalka iyo dowlad-goboleedyada dalka.

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments