Muqdisho, 4 Nofeembar 2026: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta xarunta Madaxtooyada Qaranka warqadaha aqoonsiga kaga guddoomay safiirka cusub ee Saldanadda Cumaan u qaabilsan Soomaaliya, Mudane Saalim Bin Xabiib Al-Cumeyri.
Safiirka cusub ayaa Madaxweynaha gaarsiiyey salaan iyo farriin uu ka siday Suldaanka Cumaan, Suldaan Haytham Bin Daariq Al-Saciid, taas oo muujinaysa sida hoggaanka iyo shacabka dalkaasi ay u daneynayaan xoojinta xiriirka soo jireenka ah ee kala dhexeeya Soomaaliya.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa uga mahadceliyey Suldaanka Cumaan taageerada iyo garab istaagga uu u muujiyo shacabka Soomaaliyeed, isaga oo safiirka cusub u rajeeyey inuu ku guuleysto gudashada waajibaadkiisa diblomaasiyadeed.




From the comments