Muqdisho, 22-ka Nofeembar 2026 – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa xarunta Madaxtooyada ku qaabilay wafdi ka socday shirkadda SONATRACH ee dalka Aljeeriya, oo ka mid ah shirkadaha waaweyn ee ka shaqeeya soo saarista shidaalka iyo gaaska.
Kulanka Madaxweynaha iyo wafdiga ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga Soomaaliya iyo shirkadda SONATRACH, gaar ahaan sidii loo hirgelin lahaa mashaariic wadajir ah oo la xiriira sahaminta iyo horumarinta shidaalka, gaaska iyo khayraadka dabiiciga ah ee dalka.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo dhoweeyey wafdiga, isaga oo carrabka ku adkeeyey sida ay Dowladda Federaalka Soomaaliya uga go’an tahay horumarinta iyo ka faa’iideysiga khayraadka dabiiciga ah ee dalka, si ay door muhiim ah uga qaataan kobaca dhaqaalaha, abuurista fursadaha shaqo iyo horumarka guud ee Soomaaliya.





From the comments