Madaxa Arrimaha Afrika ee Dowladda UK iyo Danjiraha Britain u fadhiya Soomaaliya, Charlotte Pierre iyo Charles, ayaa kulan la yeeshay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, kaas oo diiradda lagu saaray xaaladda siyaasadeed iyo amniga dalka.
Kulanka ayaa looga hadlay muhiimadda ay leedahay in la helo wada-hadal siyaasadeed oo loo dhan yahay, kaas oo ay ka qeybqaataan dhinacyada kala duwan ee siyaasadda Soomaaliya, si xal looga gaaro khilaafaadka jira, gaar ahaan arrimaha la xiriira geeddi-socodka doorashooyinka.
Sidoo kale, mas’uuliyiinta UK ayaa carrabka ku adkeeyay baahida loo qabo in Soomaaliya ay si tartiib-tartiib ah ula wareegto mas’uuliyadda iyo gacan-ku-haynta amnigeeda, si loo xoojiyo awoodda hay’adaha amniga dalka.





From the comments