Madaxweyne Xasan Sheekh oo dhagax-dhigay xarunta cusub ee Taliska Ciidanka Badda Soomaaliyeed

Muqdisho, 21-ka Nofeembar 2026: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta dhagax-dhigay xarunta cusub ee Taliska Ciidanka Badda ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, taas oo loogu talagalay in lagu…

Madaxweyne Xasan Sheekh oo dhagax-dhigay xarunta cusub ee Taliska Ciidanka Badda Soomaaliyeed

Muqdisho, 21-ka Nofeembar 2026: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta dhagax-dhigay xarunta cusub ee Taliska Ciidanka Badda ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, taas oo loogu talagalay in lagu daboolo baahiyaha hawlgal, maamul iyo hoggaamineed ee ciidanka.

Munaasabadda dhagax-dhigga oo ka dhacday magaalada Muqdisho ayaa Madaxweynaha ku tilmaamay tallaabo muhiim u ah dib-u-dhiska iyo tayeynta ciidamada qalabka sida, gaar ahaan horumarinta awoodda Ciidanka Badda Soomaaliyeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa khudbad uu ka jeediyay munaasabadda ku sheegay in Soomaaliya ay muhiimad gaar ah siinayso ilaalinta baddeeda, xeebaha iyo kheyraadka dabiiciga ah ee ku jira, isagoo xusay in arrimahaasi yihiin waajibaad qaran oo u baahan ciidan leh aqoon, tababar, qalab iyo xarumo ku filan.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa tilmaamay in xaruntan cusub ay qayb ka tahay qorshaha dowladda Federaalka Soomaaliya ee dib-u-dhiska Ciidanka Xoogga Dalka, si loo xoojiyo awoodda difaaca dalka loona suurtageliyo in Ciidanka Badda ay si hufan u gutaan waajibaadkooda dastuuriga ah.

Dhagax-dhigga xaruntan ayaa ku soo aadaya xilli dowladda Federaalka Soomaaliya ay waddo dadaallo lagu tayeynayo hay’adaha amniga iyo dib-u-dhiska awoodda ciidamada, iyadoo ilaalinta xeebaha iyo badaha Soomaaliya ay ka mid tahay arrimaha mudnaanta u leh amniga iyo madax-bannaanida dalka.

Munaasabadda waxaa ka qaybgalay Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Taliyaha Guud ee Ciidanka Militariga Turkiga.

Dhismaha xaruntan cusub ayaa la filayaa inuu gacan ka geysto horumarinta maamulka, hoggaaminta iyo isku-dubbaridka hawlgallada Ciidanka Badda Soomaaliyeed.

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments